FASHIL MISE FOOWS: Puntland HOOYO noocee ah ayay u tahay FEDERAALKA Somalia

0

(Hadalsame) 30 Maajo 2019 – Federaalku waa nidaam dowladeed kaasoo dastuurka dalku uu u qaybinayo awoodda dowladda maamul goboleedyada ka tirsan dawladda dhexe iyo dowladda dhexe.

Awoodaha dowladda dhexe ee fedaraalka gaarka u ah waxaa ka mid ah: Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Dhaqaalaha, Lacag Samaynta, Baasaboorada, Maamulidda Xuddudaha Dhulka, Hawada, Badda, Uruurinta Canshuuraha, Sugidda Amniga, iyo Horumarinta Kaabashaaya Dhaqaalaha (Infrastructure), iwm.

Maamul goboleedyadu waxay iyaguna leeyihiin nidaam maamul hoosaad ah, oo dastuuurka waddanka u yaal uu si cad u qeexay si ay si gaar ah ugu maamushaan gobolladooda.

In kasta oo dastuurka Soomaaliya aan wali la dhamaystirin, haddana intii badnayd waa la qoray, wayna ku heshiiyeen dawladda dhexe iyo maamul goboleedyadu, inkast oo ay jiraan caqabado hortaagan in dhakhsa ah loo dhamaystiro.

Haddaba waxaa is waydiin leh maxay Puntland mar walba u horseeddaa khilaafka ka dhex dhaca maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe, iyadoo fagaare kastana uga faanta inay tahay hooyadii Federaalka?

Jawaabtu waxay tahay Puntland waxay rabtaa inay federaalkana ka mid ahaato isla markaasna hesho sed bursi iyo xuquuqo dheeri ah oo aysan helin maamul goboleedyada kale, taladii ay soo jeediso iyo mowqifkii ay qaadatana aan laga daba hadlin.

Runta marka laga hadlo bur-burka, musiibada, iyo fitnada ku dhacday Soomaaliya ilaa intii ay xorriyadda ka qaadatay waxaa badankiisa sabab u ahaa dad ka soo jeeda Puntland.

Tusaale ahaan:

  1. Nidaamka Federaalka ee qabiilka iyo 4.5-ka ku dhisan waxaa noo keenay Puntland.
  2. Maamul goboleedyada waxaa noo sameeyay reer Puntland.
  3. Ciidamadii Itoobiya waxaa markii ugu soo horraysay si buuxda u soo galiyay Cabdullahi Yuusuf, madaxwaynihii hore ee Puntland.
  4. Heshiiyadii fitnada keenay ee maamul goboleedyadu ay ugu samaysteen isbahaysiga ka dhanka ah dawladda dhexe waxaa noo horseeday Cabdiwali Gaas oo ahaa MW Puntland.
  5. Hanjabaadda lagu hayo dawladda dhexe iyo xiriirka hadba loo jarayo waxaa mar kasta bilaaba Puntland.
  6. Caqabadda ugu wayn oo hor taal inuu dhamays tirmo dastuurka waxaa horseed u ah Puntland.

Marka aan is waydiinno ee Puntland ma ”Hooyadii Federaalkaa Mise Hooyadii Fitnada” oo Soomaaliya ka dhaqaaqi la’dahay oo ka midoobi la’dahay?

Waxaad kaloo is waydiin leh maxaa madaxda Puntland midba midkuu ka dambeeyo uga waddaniyad liitaa oo ugu adeegaa shisheeyaha, Puntland iyo Soomaaliyana u hagardaameeyaa?

W/Q: Axmed Bashir
bashir1631@gmail.com

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media