(Milwaukee, WI) 30 Maajo 2019 – Qoyska nin Maraykan ah oo aq loogu diley xabsi ku yaalla Maraykanka ayaa loo xukumay magdhow gaaraysa $6.75m oo doollar (£6m) oo uu ka helayo ismaamulka Milwaukee County, ee gobolka Wisconsin iyo sharikad gaar loo leeyahay oo jeelka maamusha.
Terrill Thomas, 38 jir, ayaa maydkiisa qolkiisa yar ee uu kaga jirey jeelka Milwaukee County Jail sanaddii 2016 – 7 maalmood kaddib markii ay ilaalada xabsigu biyihii ka jareen si baa la yiri ay u ciqaabaan.
Geeridiisa ayaa haatan loo xukumay dil ahaan kaddib markii lagu baaray Milwaukee County Medical Examiner, iyadoo ay natiijadu noqotay “fuuq la’aan aan caadi ahayn”.
“Waxaa wax aad looga argagoxo ah waxyeellada heerkaa gaarsiisan ee loo gaystey Mr Thomas iyo qoyskiisa, iyo dabeecadda sirgaxan ee ah in biyihii laga jartay ee deeto lagu daawaday saxariirta oo marayey iyadoo la ogyahay inuu harraad u dhimanayo,” ayuu yiri qarreenka u dooday oo warbaahinta la hadlay.
Hay’adda xabsigan maamusha ee Armor Correctional Health Services iyo Milwaukee County oo arrintan mas’uul ka ah ayaan weli arrintan ka hadlin.
Magdhowga oo go’aankeeda la gaarey bishii Maarso balse iminka la shaaciyay ayaa waxaa qaybsanaya labada hay’adood ee aannu soo sheegnay, waxaana lacagtaa ku dhow $7m loo qaybinayaa 6 carruur ah oo uu ka tegey Thomas, sida ku dhigan AP News.
Thomas ayaa kaaga darane dembiga loo xirey bishii 16-kii Abriil 2016 wuxuu ahaa inuu xabad ka dhex ridey meel lagu khamaaro, waxaana xabsiga la geeyay isagoo, sida astaamihiisa ka muuqata, qaba cudurrada dhimirka sida bipolar disorder.
Waxaana markiiba lagu xirey qol go’doon ah kaddib markii uu biyo ku furay xabsigii hore ee la geeyay, waxaana laga jaray cuntadii iyo biyihii, iyadoo haatan baaritaan lagu bilaabay 3 sarkaal oo eedda dilkiisa iyo inay booliiska been u sheegeen loo haysto.
Maalintii ugu dambeeysey ee uu dhiman doono, 24-kii Abriil 2016, waxaa la sheegay in Thomas oo ah nin madow ah “la arkayey isagoo qaawan oo sagxadda jiifa oo kulaylka oonka la gubanaya, aan dhaqaaqi karin, isla markaana ay naftu ku daba yar tahay”, sida ku xusan dokumentiyada maxkamadda.
Hadalsame Media