DAAWO: ”Waan u hiillinaynaa walaaleheen” – Turkiga oo kashifay dhagar Somalia loo maleegayo

0

(Ankara) 30 Maajo 2019 – Wasiirka Arimaha dibada Turkiga Dr. Mevlüt Çavuşoğlu wuxuu yiri: “ Wasaaradeennu waxay leedahay qayb arrimaha Soomaaliya kaliya ka shaqeeeysa, taasoo inta badan aad ula socota dhibka lala damacsan yahay Soomaaliya dibadda iyo gudahaba. Waxaan ognahay in dowlado ay doonayaan in dalka Soomaaliya khayraadkiisa looga faa’iideeyo Kenya iyo Ethopia oo Soomaalidana ay ka gaajooto.”

”Waxaan ognahay in badda Soomaaliya ay Kenya dooneeyso inay qaadato aysan lahayn, taas waxaan u leeyahay haddeey ku kalsoon tahay inay iyadu leedahay badda maxaa u diidaya inay maxkamadda ka war sugto?” ayuu is waydiiyay.

”Waxaan kula talinay Dowladda Soomaaliya inaysan wada hadal Kenya kala gelin dhulkeeda, oo laga war sugo maxkamadda. Dowladda Emaratiga waxay dhib wayn ku haysaa Soomaaliya, ka dib markii ay dhex dhexaad ka noqotay arinaha khaliijka, arintaasna il gaar baan ku haaaynaa.

Anaga Dowlad ahaan ama shacab waxaan ku qasbanahay inaan difaacno walaalaheena Muslimka ee Soomaaliya.”

Waxaa Diyaariyey: Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media