Wefdi hor dhac u ah MW Somalia oo gaarey dalka Sucuudiga (Sababta & Sawirro)

0

(Jidda) 29 Maajo 2019 – Waxaa magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudiga Carbeed gaaray wfdi hordhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo uga qeyb gali doono Shir Madaxeedka Wadamada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Waxaa wefdigan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Amniga Abuukar Islow Ducaale, Garoonka diyaaradaha Boqor Cabdicasiis kusoo dhoweeyey Ergayga Joogtada Somalia ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Danjire Cabdirasaaq Siyaad Cabdi (Sancaani) iyo xubno kale.

Madaxweynaha DF Soomaaliya Md Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, ayaa laga sugayaa shir ka dhacaya magaaladda barakayskan ee Maka Al-mukarama isagoo halkaa uga qayb geli doonaa Shir Madaxeedka Wadamada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaas oo  Khamiista soo socota si rasmi ah u furmi doona.

Waxaa shirkaa oo soconaya 2 maalmood isla markaana uu Sucuudigu ku baaqay lagu eegi doonaa weerarrro ay Sucuudiga ku qaadayaan kooxaha Xuutiyiinta oo uu sheegay inay Iiraan u adeegsanayso dagaal wakalaaleed ahaan, waxaana kasoo qayb gelaya dalalka Khaliijka, kuwa Carabta iyo Islaamka.

Wefdigan ayaa sidoo kale kulamo la qaatay Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Saalim Macoow Xaaji iyo Qunsulka Guud ee Magaalada Jidda Md Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar.

Hadalsame Media