(Baku) 29 Maajo 2019 – Macallin Maurizio Sarri ayaa koofida tuuray kaddibna ka tegey goobtii tababarka jeer ay Chelsea isu diyaarinayso dhamaadka Europa League oo caawa ay Baku kula ballansan tahay barbaarta Arsenal.
Macallinka reer Talyaani ayaa aad uga caroodey fal ciyaalnimo ah oo ay ku keceen ciyaartooyda Gonzalo Higuain iyo David Luiz, kuwaasoo isku dhacay xilli uu tababarku soconayey, waxayna taasi dhashay inuu macallinka oo caro la qaacayaa uu gudaha galo.
Labada laacib ee Higuain iyo Luiz ayaa kaddib markii ay dhowr jeer si kal iyo laab ah isu raacdeen waxay bilaabeen inay is af dhaafaan taasoo muddo socotey, isla markaana aan laga jeclaysanin dhanka macallinka.
Sarri ayaa intii uu sii socdey iyadoo carada wejigiisa laga garanayo wuxuu tuuray koofiyaddiisa isagoo deetana laad ku kiciyey intii aanu gelin dusmada garoonkii tababarku ka socdey, taasoo meesha kusoo reebtay laacibiinta Chelsea oo aan garanayn wax ay falaan.
Arrintan ayaan ku fiicnayn caqliyadda kooxda xilli ay isu diyaarinayso kulan muhim ah oo ay saacado ka harsan yihiin.
Hadalsame Media