(Baku) 29 Maajo 2019 – Laacibiinta Juventus ayaa horraanba loosii sheegay in Maurizio Sarri uu noqon doono macallinka laylin doona fasal-ciyaareedka soo aaddan.
Macallinka Chelsea ayaa la sheegayaa in ciyaarta caawa ee dhamaadka Europa League ay tahay tiisii ugu dambeeysey kooxda Buluugleeyda.
Warkan ayaa imanaya jeer la arkay sawirrada guddoonka Chelsea ee Bruce Buck oo la fadhiya dhiggiisa Juve Andrea Agnelli oo kusoo booqday hoteelka ay kooxdaasi ka deggan tahay magaalada Baku.
Agnelli ayaa laftiisu Baku ayaa halkaa u jooga isagoo ah Guddoonka naadiyada Yurub, balse wuxuu ku dhex wadaa shaqada kooxda Juve.
Sida ku qoran warbixin u gaar ah Tuttosport, waxay labada nin ka wada hadleen mustaqbalka Sarri oo ay Agnelli ku kulmeen hoteelka 5-ta xiddigood ee Four Seasons, balse kaamirooyinka warbaahintu kulankaa waa ka ilduufeen oo ma arag.
Hadalsame Media