RASMI: Qadar iyo Sucuudiga oo iskaga marqaati kacay inay Somalia ku saxsanayd go’aan ay gaartey 2 sanadood ah kahor!

0

(Jidda) 29 Maajo 2019 – Waxaa magaalada Jidda ee Sucuudiga ka degtey dayuuraddii ugu horreeyseysey tan iyo markii ay dalal ka tirsan Khaliijku ay go’doominta ku soo rogeen dalka Qadar.

Dayuuraddan oo ay leedahay shirkadda Qadar Airways ayaa muuqaalkeeda lagu faafiyay warbaahinta Carabta.

Warqaadka Qatar Today ayaa sidoo kale tweet gareeyay in ay “dayuuraddu ka degtey gegada magaalada Jidda taasoo waa cusub u furi karta Jeddah xiriirka xumaaday ee Qadar iyo dalalkii go’doomiyey sida Sucuudiga iyo UAE.”

Tillaabadan ayaa xigta kaddib markii uu Sheekh Xamad Al Thaani sheegay inuu casuumad toos ah ka helay Boqor Salmaan si uu uga qayb galo 2 kulan madaxeed oo ka dhacaya magaalada Barakaysan ee Maka.

Waxaa lagu wadaa inay Qadar shirka Maka usoo diri doonto wefdi heer sare ah oo ku metela shirkaas oo lagu eegayo amaanka gobolka.

Arrintan ayaa muujinaysa in ay Somalia ku saxsanayd go’aankii dhex dhexaadka ahaa ee ay arrinta dalalkan ka qaadatay.

Hadalsame Media