(Addis Abeba) 29 Maajo 2019 – DF Itoobiya ayaa balballaarisay moowqifkeeda ku aaddan qoraal mar kale lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee WAD dalkaasi, taasoo muujinaysa Somalia oo u eg wax u qaybsan 3 dal.
Waloow qunsuliyad ahaan loo xusay howsha diblomaasiyadeed ee Itoobiya ka qabato Hargaysa iyo Garoowe, misna magacooda oo si alifbeeti ah loo qoray waxaa laga fogeeyay Somalia, taasoo ay ka qayliyeen shacabka Soomaaliyeed ee Somalia.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat Getachew, ayaa BBC u sheegay in “Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya”.
“Waxaan safaarad ku leenahay Muqdisho. Somaliland iyo Puntland waxaan ku leenahay xarumo diblumaasiaydeed”, ayuu sheegay afhayeenka.
“Boggeena arrimo badan ayaa ka muuqdo waana eegeynaa”, ayuu hadalkiisa ku daray.
Bogga rasmiga ah ee WAD Itoobiya ayaa saacadihii ugu dambeeyay hawada ka maqnaa iyadoo aan la ogayn sababta.
Hadalsame Media