Magaalada Muqdisho oo uu ka bilowday GANACSI ay dad badani la yaabban yihiin! + Sawirro

0

(Muqdisho) 29 Maajo 2019 – Waxaa magaalada Muqdisho intii muddo ahaydba ka socda ganacsi aflaxey oo ay dad badani la yaabeen, kaasoo hilib dibedda laga soo dhoofiyey oo weliba ari  ama lo’ ah dalka la keenayo.

Weriye Siciid Heersare oo sawir kasoo qaaday hilibkan ayaa yiri: ”Waxaa halkan ku jira neef qallalan oo Ari ah lagana keenay Australia waa wada baraf dadbaana iibsanaya oo Xamar jooga.”

‘Waxaana la geeyaa supermarket-yada qaar oo waxaa la ii sheegay in ay UN dalka keenaan. Maanta yaabay ee idinna ila yaaba anoo Ari hadda la xalaaleeyay heli kara maxaa igu khasbaya mid 10 sano ka hor lasoo gowracay.?” ayuu is waydiiyay.

Somalia ayaa sidoo kale la keenaa kalluun laga keenay dalal ay 10 jeer ka bad wayn tahay kana kalluun badan Somalia sida Thailand iwm, taasoo muujinaysa sida ay u wareertay siyaasadda Soomaalidu.

Hadalsame Media