”Kenya waxay dacwadda BADDA kasoo noqotay iyadoo SANKA ka dhiigaysa kaddibna waxay ku qaraaraysaa qaxootiga!” – F. Macallin.

0

(Nairobi) 29 Maajo 2019 – Kenya ayaa beryahan waddey wax ay ku sheegtay diblomaasiyad ama siyaasad ay ku ”ciqaabayso” Somalia oo ka biyo diiddey inay qaadato qayb ka mid ah isla dalkaasi Somalia.

Waxaa arrintan markale codkiisa ku biiriyay siyaasiga ruug caddaaga ah ee Faarax Macallin, kaasoo Kenya uga digey inay hoos ugu soo daadegto heerka aadka u hooseeya ee ay haatan heehaabayso.

Wuxuu Twitter-ka kusoo qoray sidatan:

”Marka niamanka looga adkaado ciyaaraha legdinta ah inta guriga yimaadaan ayay carruurtooda garaacaan….” ayuu warkiisa ku bilaabay.

”Haddii ay Dowladda Kenya aysan shaqa gurigeeda doodda badda ee ay la gashay Somalia u qabanin si sax ah oo ay soo noqotay iyadoo sanka ka dhiigaysa ma aha inay caradeeda kula soo noqoto Soomaalida Kenya iyo qaxootiga.” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media