Kenya oo markale qaadday tillaabo ay ku cadaadinayso Somalia

0

(Nairobi) 29 Maajo 2019 – Dowladda Kenya ayaa qaadday tillaabo kale oo ay ku maagayso Somalia, iyadoo sheegtay inaan dayuuradaha halkaa ka imanaya lasoo saari karin boorsooyin aan qofina la socon.

War kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Kenya ayaa lagu sheegay in boorsooyinka noocaas ah lala wareegi doono lana burburin doono si waafaqsan xeerarka gaadiidka.

“Kenya waxay ka walaacsan tahay boorsooyinka aan lala socon ee saaran duullimaadyada ka imanaya Somalia oo ka hor imanaya xeerarka gaadiidka halis amaanna noo leh,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay WAD.

Kenya ayaa dhanka kale ku adkaysanaysa inaysan jirin madax Soomaaliyeed oo ay garoonka ku celiyeen kaddibna musaafuriyeen, iyagoo sheegay in raggii garoonka laga celiyey aysan Fiise wadanin.

Hadalsame Media