DHEGEYSO: DF Somalia oo looga digey tillaabooyin ay maaggan tahay Kenya (WAD oo hal arrin loogu baaqay)

0

(Hadalsame) 29 Maajo 2019 – Dawladda Kenya ayaa beryahanba amba qaadaysey cadaadis diblomaasiyadeed oo ay saarayso DF Somalia, iyadoo maalin dhowayd garoonka JKIA ka celisey madax iskugu jirta Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan DF Somalia.

Waxaa kasii horreeysey inay mar cayrisey Danjiraha Somalia u fadhiya Kenya, kaddibna waxay soo rogtey go’aan kale oo ku saabsan in dayuuradihii tooska u iman jirey la joojiyay lana soo celiyay maritaankii iyo baaris labaaddii Wajeer, iyadoo shalayna soo rogtey go’aan kale oo dhigaya in aan boorsooyin aan qof la socon lasoo saari karin dayuuradaha kasoo duula dalka Somalia.

DF Somalia ayaa dhacdooyinkaa qaab fal celin uun ah oo weliba qaboow uga jawaabaysey, iyadoo xitaa isku raaci waydey go’aan ku saabsanaa dagaal qaboow oo ay soo jeedisey Wasaaradda Caafimaadka Somalia, kaasoo ahaa in la qaadaco shirarka Nairobi loogu qabto hay’adaha dowladda.

Haddaba waxaa soo baxaya baaqyo loo jeedinayo Soomaaliya oo ah inay qorshe diblomaaisyadeed ka lahaato sida ay ula macaamilayso Kenya oo laga yaabo inay qaaddoo tallaabooyin kale.

Waxyaabaha DF Somalia, gaar ahaan Wasaarad Dibadeedka Somalia inay furto Machadkii Daraasaadka Istaraatijiga ah ee Somalia, si loo helo meelo lagu daraaseeyo xaaladaha caalamka iyo sidii loo wajihi lahaa oo qorshe qaran looga yeelan lahaa.

Halkan ka dhegeyso warbixin uu arrintaa ka diyaariyay weriyaha VOA ee Haaruun Macruuf.

Hadalsame Media