(Tehraan) 29 Maajo 2019 – Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay suurtagalnimada dagaal furan oo ay la gasho dalka Maraykanka, balse waxay sheegtay in ay rajaynayaan in xasaradda oogan waxa xaajood lagu dhameeyo, sida uu sheegay Xigeenka Wasiir Dibadeedka dalkaasi.
“Waxaannu filaynaa in aannu wada xaajood bilowno, balse dagaalna diyaar baan u nahay,” ayuu yiri Xigeenka Wasiir Dibadeedka dalkaasi Cabbaas Araqchi oo u warramay wakaaladda RIA Novosti.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in Iiraan ay ka war qabto wax uu ku sheegay “canaasiir” ka tirsan dowladda Maraykanka oo dabada ka riixaya inuu dhoco dagaal “lagu hoobto” oo u daran guud ahaanba Bariga Dhexe.
”Waxaan nahay diyaar, waana ka war qabaan awooddeenna ciidan sida aan aaminsan ahay, balse taasi ma aha waxaan rabno oo nabad baan jecel nahay.
Hadalsame Media