(Baku) 29 Maajo 2019 – Waxaa caawa fiidkii saacadda Yurubta Woqooyi marka ay tahay 21:00 magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan isku fara saari doona labada naadi ee reer London ee Chelsea vs Arsenal.
Labada naadi ayaa iskugu soo haray dhamaadka koobka Europa League oo sanadkan wada Ingiriisi ah, sida midka dhamaadka CL ee todobaad kaddib ku qabsoomaya masraxa Madrid.
Dhanka Chelsea: Macallin Sarri oo hollinaya inuu hanto koobkiisii ugu horreeyay ee wayn, weliba mid caalami ah ayaa safaya koox ku ciyaaraysa shaxdiisa soo jireenka ah ee 4-3-3. Jorginho ayaa kubadda la wadaagaya Barkley iyo Kovacic, halka Giroud uu fooska weerarka dhexe ka leeyahay Higuain.
Dhanka Arsenal: Macallin Emery ayaa dabaqaya shaxda 3-4-1-2, waxaana matoorka u dhexeeya khadka dhexe iyo weerarka ka xariiftamaya jookarka Ozil oo kubadda gaarsiinaya weerarka. Gunners guusha EL waxay u leedahay micne kale, maadaama aysan caadi ugu soo bixin koobka CL. Waxaan ciyaartan siyaasad darteed u dheeli karin Mkhitaryan.
KAYDKA LABADA KOOXOOD:
- 13 CABALLERO, 52 CUMMING, 24 CAHILL, 3 ALONSO. 21 ZAPPACOSTA, 44 AMPADU. 51 GALLAGHER, 7 KANTÈ, 22 WILLIAN, 9 HIGUAIN
- 19 LENO, 44 LLIEV, 25 JENKISON, 12 LICHSTEINER, 20 MUSTAFI, 4 ELNENY, 29 GUENDOUZI, 17 IWOBI, 49 NKETIAH, 68 AMAECHI, 87 SAKA
GANAAXAN
- –
- –
AAN LA HELI KARIN
- Rudiger, Loftus-Cheek, Hudson-Odoi
- Bellerin, Welbeck, Ramsey, Mkhitaryan
Hadalsame Media