RASMI: Gattuso & Leonardo oo la fasaxay & Maldini oo ka fikiraya!

0

(Milano) 28 Maajo 2019 – Kooxda AC Milan ayaa xilalkii ka qaadday maareeye Leonardo iyo macallin Gennaro Gattuso kuwaasoo si dhaqse ah loogu bedeli doono rag kale oo boosaskooda buuxin doona.

Gattuso ayaa sameeyay arrin ay dad badani ku tilmaameen deeqsinnimo kaddib markii uu ka tanaasuley mushahar dhan €11m si ay raggii isaga la shaqaynayey mushaharooyinkooda u qaataan tan iyo 2021.

Waxaa Gattuso bixitaanka ku wehliya Maareeyihii Ciyaarha ee Leonardo oo isna casilaaddiisa la xaqiijiyey, waxaana lagu wadaa in Agaasimaha Guud ee Ivan Gazidis uu toos u bilaabo tillaabooyin buuxa oo uu dib ug dhisayo maamulka kooxda.

Paolo Maldini, halyeeygii iyo kabtankii hore ee Milan ayaa la sheegay in isaga loo bandhigay boos cusub oo uu go’aan ku yeelanayo habka loo maamulayo kooxda, taasoo la sheegay inuu kasoo fikirayo, waloow aan weli la carrabaanin waxa uu yahay.

Waxaa Milan durba lala xiriirinayaa macallimiin iyo maareeyayaal ciyaareed oo dhowr ah, waxaana la arki doonaa maalmaha yar ee soo aaddan.

Hadalsame Media