(Milano) 28 Maajo 2019 – Waxaa bilaabmaya waayihii Antonio Conte ee kooxda Inter, waxaana dhamaaday kuwii Luciano Spalletti tiiyoo ay jirto inuu sanadkii 2-aad CL usoo saaray kooxdaaasi.
Sida ku dhigan La Gazzetta dello Sport, maamulka Inter waxay doonayaan inay marka hore xalliyaan qandaraaska macallinkii hore oo taxan ilaa 2021, waana sababta ay Marotta iyo Zhang u doonayaan inay shakhsiyan ula kulmaan Spalletti, iyagoo aan casilaadda ku shaacinin bogga Twitter.
Yeelkeede, arrintu siima jiitami doonto muddo dheer oo waxaa lagu wadaa in xilka Antonio Conte Khamiis ama ugu dambayn Jimcaha lagu dhawaaqo, iyadoo la hadal hayo inuu xitaa ka mid noqon doono wefdiga Inter ee ka qayb geli doona ciyaarta Madrid, ee dhamaadka Champions League.
Conte ayaa la sheegayaa inuu durba aqbalay qandaraas ku kacaya 9 milyan oo euro iy bareemiyo muddo 3 sanadood ah, waxaana la socda qaar ka mid istaafkiisa uu aadka u aamisan yahay sida ku xigeenkiisii waagii Juve, Cristian Stellini, waxaa sidoo kale Appiano Gentile iman kara Lele Oriali, oo noqonaya buundada xiriirisa kooxda iyo naadiga, kaasoo uu Conte aad ula dhacay waagii xulka Talyaaniga.
Kooxda Inter Milan ayaa tababarka bilaabi doonta 8-da Luulyo, iyagoo lagu xarayn doono Lugano, kahor inta aanay u amba bixin Aasiya 16-17 Luulyo, iyagoo dheelaya Koobka Horyaallada Adduunka (ICC).
Hadalsame Media