DF Somalia oo isku khilaaftay sida looga falcelinayo tillaabooyinka Kenya (Go’aamo isa seeggan oo la qaatay)

0

(Nairobi) 28 Maajo 2019 – Dowladda Kenya ayaa bilihii yaraa ee dambe waxay waddey olole ay si ula kac ah ugu xumaynayso xiriirka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo qaadday talaabooyin dhowr ah oo ay kala saxiixdeen dalka Soomaaliya.

Shilkii ugu dambeeyay Waaxda Socdaalka Kenya ayaa gegada caalamiga ah ee JKIA ka celisey masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo doonayay in ay shir kaga qayb galaan Kenya, waxaana arrintaa ka xumaatay DF Somalia iyadoo War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Somalia uu lahjad deggan arrintaa uga jawaabey.

Yeelkeede, Wasaaradda Caafimaadka Somalia oo iyaduna arrintaa ka dabaaqaysa ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegayso in aanay shir uga qayb geli doonin gudaha dalka Kenya, iyadoo soo jeedisey in madlo kale la raadiyo ama Muqdisho lagu qabto.

Ha yeeshee, waxaa shalaytoole waxa magaalada Nairobi ka dhacay shir ay kasoo qayb galeen madax ka socota Somalia oo iskugu jirta heer federaal iyo maamul goboleed.

Waxaa ka mid ahaa wefdi uu hogaaminayey Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dibu Dejinta DF Soomaaliya, Waxaana Danjiraha Somalia ee Kenya Maxmuud Axmed Tarsan la waydiiyay waxa ay dhegaha uga furaysteen War Saxaafadeedkii Wasaaradda Faafimaadka:

”Shirkani wuxu ahaa sanad guuradii UN- Habitat oo markii u horeysay lagu qabtay Afrika, waxa furay madaxweynaha dawlada Kenya Uhuru Kenyatta, Soomaaliya waxa laga casuumay Gudoomiyaal badan iyo wasiirka hawlaha guud iyo dibu dhiska, Gudoomiyaasha qaar ayaan iman iyo aniga oo ka socday saafaradda, muhiimada ugu wayn ee looga hadlay waxay ahayd magaalaynta dadkii ka soo tagaya Miyiga” sidaa waxa BBC-da u sheegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxmuud Axmed Tarsan.

‘‘Siyaasadda arimaha dibada dalka waxa hogaamiya wasaarada arimaha dibada, Wasaarad kale oo laga wareysanayo wax ku saabsan Arimaha Dibada ma jirto, waxa ay soo saarto Wasaarada Arimaha Dibedda ayaa magaca dawlada ku hadlaya, mar aanu kulan Jimcihii Wasiiradda Arimaha Dibedda Kenya, Monica Juma waxay ii sheegtay in ay ka jawaabi doonaan war saxafadeedkii ay soo saartay Soomaaliya.” ayuu daba dhigay Md Tarsan.

Hadalsame Media