DAGAAL GANACSI: Shiinaha oo Maraykanka ka joojinaya CIID & macdan NAADIR ah oo uu u dhoofin jirey + Sawirro

0

(Beijing) 28 Maajo 2019 – Beijing ayaa si adag uga baaraan degeysa inay mamnuucdo ciid iyo macaadin naadir ah oo laga sameeyo birta oo ay u dhoofiso Maraykanka, sida lagu qoray Twitter-ka warqaadka dowladda dalkaasi u janjeera ee  Global Times, kaasoo weliba ka digey inaysan noqon doonin tillaabada ugu dambaysa ee ay Shiinuhu qaadayaan.

Warar kale ayaa sheegaya inuu Shiinuhu ka fikirayo inuu meelo badan ka cunaqabateeyo Maraykanka sida ciiddan, taasoo haddii uu ku dhaqaaqo dhaawac u gaysan karta Washington oo aan haysanin il ama ikhtiyaar kale oo ay ka hesho ciiddan oo loo adeegsado farsamada sare (high-tech) ilaa wax soo saarka ciidamada.

“Shiinuhu waxay si dhab ah uga fikirayaan inay xadidaan ciid naadir ah oo ay u dhoofiyaan Maraykanka. Shiinuhu waxay sidoo kale mustaqbalka qaadi karaan tillaabooyin kale,” ayuu soo tweet gareeyay Hu Xijin.

Hadalsame Media