DAAWO: Gantaal qaade ah oo isla markii la ganay ay BIRIQI ku dhacday!

0

(Moscow) 28 Maajo 2019 – Gantaalka wax xambaara ee Soyuz-2.1b ayaa markii la ganay waxaa 10 ilbiriqsi kaddib haleeshay biriq kaddib markii laga ridey Plesetsk Cosmodrome… balse socodkiisii ayuu iska sii watay.

Arrintan ayaa dhacday markii la ganay gantaalkan oo hawada sare u qaaday Satellite nooca wax haga ah oo la yiraahdo Glonass-M.

Yeelkeede, wax cillad farsamo ihi kuma dhicin gantaalka iyo Satellite-kii uu siday midna, iyadoo la arkayey gantaalka oo safarkiisii iska sii wata.

Waxaa muuqaalka baraha bulshada soo gaarsiiyay madaxa hay’adda Ruushka ugu qaybsan hawada sare, Roscosmos Dmitry Rogozin.

Hadalsame Media