DF Somalia oo ka dhabaysay tillaabadii ugu horreeysey ee ka dhan ah Kenya

0

(Nairobi) 27 Maajo 2019 – DF Somalia oo ka dabaaqaysa tillaabooyin is daba joog ahaa oo ay beryahanba qaadaysey dowladda Kenya ayaa ka dhabaysay warqad kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka.

Sida aannu warka ku helayno, labo shir oo ku saabsan arrimaha caafimaadka iyo la dagaalanka cudurka laayaanka ah ee HIV AIDS oo markii hore loo qorsheeyay in lagu qabto magaalada Nairobi ayaa lagu warramayaa in haatan loo wareejiyay Addis Abeba.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ku wargelisay Hay’addaha Caalamiga iyo deeq bixiyeyaasha in la joojiyo shirara iyo siminaarada lagu qaban jiray Nairobi, sababo la xiriira dhanka Socdaalka.

Kenya ayaa todobaadkii tegey waxay gegada JKIA ee Nairobi ka celisey madax ka tirsan DF Somalia, kuwaasoo ay u diiddey inay gudaha u galaan magaalada.

Hadalsame Media