”Waxaad tahay DAMEER!” – Milner oo ka kashifay muran dhexmaray isaga & Messi + Sawirro

0

(Liverpool) 26 Maajo 2019 – Laacibka Liverpool ee James Milner ayaa daboolka ka qaaday qiso dhexmartay isaga iyo Lionel Messi intii ay socotey ciyaartii ay Reds 4-0 ku ruquustay kooxda Barcelona wareegga 4-dhamaadka UEFA Champions League, jeer 3-0 lagu lahaa lugtii hore taasoo Reds u rukuntay final-ka Madrid, Juun 1.

Yeelkeede, laacibka reer Ingriis ayaa waraysi uu siiyey warqaadka  Mail on Sunday, wuxuu daboolka ka qaaday arrimo badan oo ka dhacay daaha gadaashiisa, waxaa se ugu muhiimsan muran dhexsaday isaga iyo muhandaska Barca.

“Ma faraxsanayn, wuxuu daldalayey Spanish fara badan markii aannu dusmada sii marayney. Wuxuu igu yeeray ”dameer”.  ayuu yiri Milner.

“Wuxuu igu yiri ”Burro” oo la micne ah Dameer, waloow aan sidoo kale u malaynayo in afka Spanish-ku ay sidoo kale u adeegsadaan qofka haraatida badan ee laacibiinta kale laada. Ma ogi inuu ogyahay inaan fahmo luuqadda Spanish-ka.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media