”Kenya haddii ay Somalia maagayso walba ha xirfadayso!” – Dunidii oo la yaabban siyaasadda Kenya!

0

(Nairobi) 23 Maajo 2019 – Adrian Blomfield oo ah weriye ruug caddaa ah oo ka tirsan Wargayska Ingiriiska kasoo baxa ee Daily Telegraph, 16-kii sano ee ugu dambeeyayna saldhiganayay magaalada Nairobi, ayaa muujiyay sida uu ugu wareersan yahay siyaasadda Kenya ku wajahayso Somalia.

Blomfield oo muujinaya istaraatijiyad xumada Kenya ayaa is daba dhigay laba tweet oo u muuqda kuwo isu jawaabaya, wuxuu ku bilaabay:

”Kenya waxay marti gelisaa dhacdooyinka Midowga Yurub ee lagu lafa guraya khilaafaadka xuduudaha ka tillaaba. Waa wax fiican, waayo Kenya waxay ku lug leedahay khilaaf noocaas ah oo ay kula jirto Al Shabaabka Somalia. Sidaa darteed wefdi noocee ah ayay Kenya dib u celisey? Ma kii Somalia?” ayuu yiri isagoo ifinaya sida aanay isu qabanaynin siyaasadda Kenya, wuxuu daba dhigay mid kaa si toos ugu jawaabaya:

”Musaafurinta Kenya ee wefdiga Soomaalidu ma aha mid aabi iyo ilmanimo ah, balse waa mid is waxyeellayn ah. Midowga Yurub waa inay ka fikiraan ikhriyaaraad kale marka ay shirar qabanayaan.” ayuu yiri, isagoo raaciyay talo uu Kenya siinayo.

”Haddii aad dabaqayso diblomaasiyad harawsi ah, ugu yaraan ha noqoto mid xirfadaysan oo duurxul ah.” ayuu yiri, taasoo ka dhigan in ay cid kasta ku wareersan tahay waxa ku dhacay Kenya.

Hadalsame Media