NAXLI NUSAN: Imaaraadka oo Nairobi ka wada falal HALIS ku ah Somalia (Kenya oo looga digey in…)

0

(Nairobi) 21 Maajo 2019 – Waxaa sanadihii dambe aan wanaagsanayn xiriirka Somalia iyo Imaaraadka Carabta oo haatan si rasmi ah u caddaystay inuu ka mid yahay dalalka ka shaqeeya xasillooni darrada Somalia, kaddib muddo dheer oo uu is qarinayay isagoo Soomaali badan oo indhow garad ah dareensiin jirey inuu yahay ”walaal Soomaaliyeed.”

Faarax Macallin oo ah siyaasi aad ula socda arrimo badan oo dunida ka dhacaya, gaar ahaan gobolka ayaa boggiisa Twitter-ka kusoo qoray xog uu ka hayo Sirdoonka Imaaraadka oo uu sheegay inay beryahan aad u joogaan magaalada Nairobi iyagoo sida uu yiri halkaa ka maleegaya dhagar ka dhan ah dalka Somalia.

Wuxuu soo qoray sidatan:

”Nairobi waxaa haatan ku xoonsan Sirdoonka Imaaraadka oo ka wada weerarro iyo howlo ka dhan ah midnimada iyo degannaanta Somaia.”

”Tiiyoo uu jiro muranka badda ee Maxkamadda ICJ, Kenya waa inay ka xishootaa iskana diiddaa in uu Imaaraadku geliyo Dagaal Qaboow oo lala gelayo Somalia. Madax bannaanida gayo ee dal kasta oo Geeska Afrika ah waa lama taabtaan.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media