(New Delhi) 20 Maajo 2019 – Booliiska Hindiya ayaa weerar ku qaaday guri ku yaalla caasimadda New Delhi si ay u badbaadiyaan nin taajir ah oo ay afduubteen haween sheegaya inuu dhibaato jinsi ah u gaystey sida kufsi.
Hindiya ayuu kufsigu ka yahay dhibaato bulsho oo inta badan lagula kaco haweenka, waxaana sidoo kale jira been abuurashooyin badan oo kufsiga la xiriira.
Ninkan oo ah Agaasimaha hay’ad fadhigeedu yahay magaalada Mumbai oo ka shaqaysa injineeriyadda badda ayaa la qafaashay jeer uu fasax ku yimid caasimadda, sida booliiska Jimcihii loo sheegay.Waxaa markiiba la xaqiijiyay iyadoo la taageeranayo kaamirooyinka amaanka ee CCTV, in odaygan oo 64-jir ihi uu hoteel Shan-xiddigood ah oo uu deganaa ka baxay iyadoo ay wehliyaan laba haween ah isagoo ku jooga gaari ah moodaalka Hyundai Verna.
Dadka uu odaygu u qafaalan yahay ayaa deeto telefoon ku waalay maamulka sharikadda iyagoo dalbanaya madax furasho dhan 3 milyan oo rubi (US$42,600), iyagoo adeegsanaya aaladda WhatsApp si ay haybtooda u qariyaan, sida ay ilo booliis u sheegeen Times of India.
Yeelkeede, kaddib markii kaamirada laga gartay taargada gaariga waxaa la raadiyay cinwaanka milkiilihii gaariga oo markii gurigiisa la weeraray booliiska u qirtay inuu sheekadan wax ka dhisay oo uu doonayey ”lacag fudud” isagoo booliiska u sheegay halka lagu hayo ninka ganacsadaha ah.
Booliiska ayaa kaddib Sabtigii weerar ku qaaday guri ku yaalla degmada Laxmi Nagar ee bariga Delhi, waxaana loogu tegey 4 haween ah iyo laba nin, iyadoo aan magacyadooda la sii daynin maadaama ay baaristu haatan socoto, balse waa laga soo furtay ninkii ay qabsadeen, waloow aanay weli hubbanayn waxa laga yeelayo eedaymaha haweenku odayga u jeediyeen.
Hadalsame Media