(Muqdisho) 16 Maajo 2019 – Magaalada Muqdisho ayaa goor dhowayd lagu qabtay nin qarax ku xirayey gaari yaalley wadadda Maka Al- Mukarama ee Magaalada Muqdisho, sida ay wararku nagu soo gaarayaan.
Gaariga ayaa lagu warramayaa inuu ku baakinnaa meel u dhow Shaneemo Soomaaliya, waxaana deeto yimid ninkan oo bilaabay inuu wax ku xiro waxaana tuhmey carruur meesha gawaari ku dhaqda deeto u qayliyey Ciidamada Amaanka.
Ciidamada oo deg deg goobta usoo gaarey ayaa kaddib waxay gacanta ku dhigeen ninkii qaraxa xirayey, balse waxaa la sheegay in uu qarxey gaarigii uu miineeyay.
Ciidamada Booliska ayaa ninkii ula dhaqaaqay dhanka xarunta dembi baarista ee C.I.D, iyagoo aan war kale kasoo saarin waxa uu ninkani yahay, cidda uu bartilmaameedsanayey iyo cidda uu u diran yahay.
Warar kale oo dhanka amaanka ah ayaa sheegaya, in Ciidamada DF Soomaaliya ay Suuqa Bakaaraha ku toogteen nin weerar kusoo qaaday ciidamada oo halkaa ku dhaawacay hal askari.
Wararka ayaa sheegaya in halka uu shilkani ka dhacay ay tahay Isgoyska Bakaaraha, waxaana markii uu ninku askariga dhaawacay isna toogtey askari kale, iyadoo ay warar kale sheegayaan inuu goobta ka baxsaday nin kale oo ninka la toogtey dusha ka ilaalinayey oo mooto ku fakaday.
Hadalsame Media