Meesha la qarxiyey oo raashin loogu qaybinayey dad masaakiin ah!

0

(Muqdisho) 14 Maajo 2019 – Tafaasiisha kasoo baxaysa qarax uu gaystey nafti halige saarnaa gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lala beegsaday Xarunta Degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayaa muujinaysa arrin cusub oo dhiillo xambaarsan.

Wararka goobta ka imanaya ayaa tibaabaxaya in xilliga qaraxa ay halkaa ku sugnaayeen shacab dan yar ah oo loo qaybinayey raashin ay ku afuraan, taasoo keeni karta khasaare nafeed oo oo fara badan.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya inay goobta ku waxyeelloobeen ku dhowaad 20 qof oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, ugu yaraan ilaa inta iminka warkooda la helayo.

Shalay unbay ahayd markii ay Shabaab soo saareen cajalad cusub oo ay ku sheegayeen in ”aan la dhayalsan daadinta dhiigga shacabka Muslimiinta ah”, balse tan ayaa muujinaysa in ay Muslimka ula jeedaan dad kale.

Dad badan ayaa is waydiinaya waxa ay soo kordhinayso in dad shacab ah la weeraro taasoo iminka kusii dhow 14 sanadood.

Ciidamada amniga ayaa xiray xarunta Degmada Wardhiigley ee qarax lagu weerarray, waxaana socda gurmadka dadka ku waxyeelloobay weerarka, iyadoo gaadiidka gurmadka ay daabulayaan dhaawacyo.

Hadalsame Media