DURBAANNO DAGAAL: Maraykanka oo dagaal hor leh ka dhardhaaraya Bariga Dhexe (120,000 oo askari oo la gaynayo)

0

(Washington, DC) 14 Maajo 2019 – Donald Trump ayaa sida lasoo werinayo wuxuu soo bandhigay qorshe 120,000 oo askari loo gaynayo Bariga Dhexe si looga hor tago wax uu ugu yeerey ”halista Iiraan”, sida uu qorayo warqaadka New York Times.

Ku Simaha Wasiirka Gaashaandhigga, Patrick Shanahan , ayaa soo bandhigay qorshe cusub kaddib markii uu Khamiistii kulan la qaatay la taliyayaasha Trump oo u badan rag dagaal oogayaal ah sida John Bolton, sida ay sheegayaan xogo ku dhow xayndaabka hoose.

Waxaa laga fikirey dhowr dookh oo lagu taakayn karo maamulka Tehraan, waxaana dookha “ugu mudan loo arkay in gobolka la geeyo 120,000 oo askari, kuwaasoo ay daabuliddoodu bilo qaadanayso,” sida uu qoray The Times.

Waxaa horayba gobolka u sii tegey maraakiibta wax burburisa iyo kuwa dayuuradaha xambaara iyo dayuuradaha fuliya duqaymaha istaraatijiga ah sida B-52 oo la geeyay Saldhigga Cirka ee Al Udeid Air Base ee dalka Qadar.

Tan iyo dhamaadkii Dagaalkii 2-aad ee dunida, Maraykanka ayaa waxaa u caado ah in Madaxwayne kasta oo yimaada uu ugu yaraan weeraro hal dal oo dunida ah ama ka shaqeeyo afgembi lagu sameeyo isagoo adeegsanaya Dagaal Wakaaladeed (proxy).

Hadalsame Media