”Waa dadaalney, Ilaah baana mahad leh” – Xakiim Ziyech oo ka hadlay ciyaartii xalay (Arrin ay sameeyeen isaga iyo Mazraoui)

0

(Amsterdam) 09 Maajo 2019 – Laacibka reer Marooko Xakiim Ziyech oo ay xalay kooxdiisu si nasiib ah oo naxdin badan ay uga hartay Koobka Horyaallada Yurub ayaa ka hadlay wixii dhacay.

”Waan dadaalnay nasiib se ma lahayn. Waxaan ku faanayaa kooxdayda iyo garab istaagga ay noo muujiyeen taageerayaasha anigoo u mahad celinaya cid kasta oo na aaminsanayd. Ilaah baa mahad leh.” ayuu yiri Ziyech.

Hakim Ziyech iyo Noussair Mazraoui oo dhex-weerar iyo dadabka ka ciyaara ayaa ah laacibiin Muslimiin ah oo misna Marookaan ah, ayaa waxaa xalay daqiiqaddii 22-aad la arkayey iyagoo garoonka geeskiisa ku afuraya maadaama ay Soomanaayeen.

Si ka duwan Maxamed Salaax oo Soonkiisii u furay final-kii sanadkii hore, kaasoo uu ku dhaawacmay lagana adkaaday.

Hadalsame Media