XOG: DF Somalia oo qabatay shabakad basaasiin oo ay Imaaraadku leeyihiin

0

(Muqdisho) 09 Maajo 2019 – DF Somalia ayaa sida la sheegay xabsiga dhigtay shabakad basaasiin ah oo uu leeyahay Imaaraadka Craabtu, sida ay sheegayaan warar lagu faafiyay barta Twitter-ku.

Lama faahfaahin nooca ay ahayd shabakaddan iyo cidda u shaqaynaysey inay Soomaali ahayd iyo in kale.

Horraantii sanadkan, Wasiir Dibadeedka Somalia,  Axmed Ciise Cawad ayaa ka dhawaajiyey in xiriirka dalkiisa iyo Imaaraadku aanu joogin heerkii ama halkii ay ahayd inuu joogo.

Yeelkeede, waraysi uu siiyay wakaaladda Anadolu Agency, wuxuu Cawad ku bayaaniyey inuu soo yara hagaagey xiriirka labada dal tan iyo xasaraddii siyaasadeed ee bartamihii 2018.

Bishii Abriil ee sanadkii tegey ayay ahayd markii ay ciidamada amaanka Somalia ay gacanta ku dhigeen  $9.6 milyan oo doollar oo lagu disey dayuurad khaas ah, taasoo ay aad uga carootey dowladda Imaaraadka waloow ay caddayn kari waydey halka ay lacagtaasi ku socotey.

Labada dhinac ayaa sidoo kale iskula dhacay arrinta dekedda Berbera oo ay si sharci darro ah ku la wareegtey sharikadda DP World, sida ay qabto DF Somalia.

Hadalsame Media