DEG DEG: Murankii Gattuso & Bakayoko oo la xalliyey (Yaa kulanka joogey?)

0

(Milano) 07 Maajo 2019 – Waxaa dhacay kulan ku qabsoomay xerada tababarka Milanello, kaasoo dhexmaray Rino Gattuso iyo Tiemoué Bakayoko, kaddib markii uu kaydka ku dhamaystay kulankii Milan-Bologna.

Sida kasoo baxaysa dhanka Rossoneri, laacibkan French-ga ah ayay tababarka kahor macallinka ku wada hadleen Milanello, iyadoo ay goobjoog yihiin Leonardo iyo Paolo Maldini oo ka mid ah maamulka naadiga.

Waxaana sidaa lagu dhameeyay madmadowgii jirey iyadoo haatan diiradda la wada saari doono kulanka muhimka ah ee Sabtiga dhexmaraya Fiorentina iyo Milan oo muhim u ah dagaalka kaalinta 4-aad oo ay Milan 3 dhibcood u jirto.

Milan ayaa xilligan aad ugu baahan adeegga Bakayoko, jeer ay maqnaan karaan Calhanoglu iyo Biglia, halka Paqueta uu rooso qaatay.

Hadalsame Media