DAAWO: Turkiga oo farsamaynaya Daroon guuxiisa ka dheereeya! + Sawirro

0

(Istanbul) 06 Maajo 2019 – Hay’adda Dayuuradaha Farsamaysa ee Turkish Aerospace Industries (TAI) ayaa gacanta ku haysa farsamada dayuurad ah nooca is wada ee Daroonka (UAV) oo saacaddii jareeysa xawaare dhan 380-km.

TAI, oo horay u dhamaystirtay Daroon la yiraahdo Aksungur oo jaraya 180-km/saacaddii, kaasoo ay todobaadkii tegey kusoo bandhigtay carwada caalamiga ah ee dayuuradaha ciidamada ee International Defense Industry Expo (IDEF’19) oo ka dhacday Istanbul, ayaa haatan ka shaqaynaysa Daroon guuxiisa ka dheereeya oo la yiraahdo Göksungur, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee TAI, Temel Kotil, oo la hadlayey wakaaladda Anadolu Agency.

Kotil ayaa yiri: “TAI waxay ku sameeysay dayuuraddan laba matoorleeyda ah ee Aksungur muddo 18 bilood ah oo qura.”

TAI ayaa dayuuradahan Aksungur tijaabisey, iyadoo isla sanadkan siin doonta ciidamada qalabka sida ee Turkiga, sida uu sheegay.

”Marka aannu mashruucan Aksungur ka faraxalanno sanadkan, TAI waxay toos u bilaabaysaa shaqada Daroonka guuxiisa ka dheereeya ee Göksungur,” ayuu ballan qaaday.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media