”Moscow waa magaalo shaydaan!” – Gabar weriye ah oo uu dhalay siyaasi caan ah oo aad loogu dhaliilay war ay sheegtay!

0

(New York) 03 Maajo 2019 – Muran ayaa ka dhashay Meghan McCain oo ah gabar weriye ah oo uu dhalay siyaasigii dhintay ee John McCain oo caasimadda Ruushka ku tilmaantay “magaalo shaydaan.”

Gabadhan oo sida aabeheed waddaniyad xag-jir ah iska dhigaysa isla markaana wax kasoo saarta bandhigga The View ayaa iyadoo toos u waraysanaysa Danjiraha Maraykanka ee Jon Huntsman iyo xaaskiisa Mary Kaye waxay muujisay nacaybka ay u qabto caasimadda Ruushka.

“John iyo Mary Kaye shaqo wacan ayaad ka haysaan magaalada Shaydaanka. Waad ku mahadsan tihiin, waad ku mahadsan tihiin shaqada aad u haysaan qarankiisa. Waa howl adag,” ayay ku tiri kahor inta aysan qaybtaa xirin.

Dadwaynaha Maraykanka laftooda ayaa ka qayla dhaamiyey xirfad xumada ay muujisay Meghan.

Meghan ayaa horraantii bishii Maarso iyadoo barnaamijka wadda OOYIN is bihinbihis ah isla tuurtay, iyadoo sheegtay in ay aad uga calool xumaatay wax ay ku sheegtay ”Yuhuud nacaybka” Ilhaan Cumar, taasoo keentay inay dad badani ku maadsadaan hab-dhaqanka Meghan, iyagoo sheegaya inaysan iibsan ”oohin yaxaastaas doqonnimada ah” sida ay kusoo qoreen baraha bulshada.

Hadalsame Media