Shirka DF & Maamul-goboleedyada oo lagu wado inuu berri ka furmo Garoowe

0

(Garoowe) 01 Maajo 2019 – Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan madaxda maamul goboleedyada iyo Dowladda  Federaalka.

Waxaa magaalada gaarey, wafuud hor dhac ah  oo ka qayb gelaya shirka wada tashiga Dowladda Federaalka  iyo maamul goboleedyada.

Shirkan waxa  hore ugu baaqay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni si looga hadlo dhameynta madmadowga  Dowadda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Amaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay waxana waddooyin magaaladaas  lagu arkayaa ciidamo loogu tala galay sugida nabad galyada.

Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada waxa wali u dhaxeeya wax lagu sheegay ”khilaaf” xoogan oo sababay in labada dhinac ay is waydaarsadaan hadallo xajiin leh.

Hadalsame Media