GAR-NAQSI CILMIYAYSAN: Mucaaradka DF Somalia run & been tee sheegayaan? (Aqoonyahan ka jawaabaya)

0

(Hadalsame) 01 Maajo 2019 – Maqaal uu qoray Bloomberg oo ah wargeeys aad looga sharfo adduunka dhanka ganaciga iyo dhaqaalaha, ayaa asagoo soo xiganaaya Hay’adda Lacagta Adduunka The International Monetary Fund ( IMF) wuxuu sheegay In dhaqaalaha dalka Somaaliya uu soo kabanaayo uu aad u fiican yahay.

Wuxuu sheegay in saadaalintii rubaca hore ee 2019 la filaayay inuu dhaqaalaha Soomaaliya kor u kici doono 3.2%, waxaa aad loola yaabay in dhaqaalahaas uu hada kor u dhaafay 3.5%.

Ayagoo la yaaban hurumarka dalka, waxay hada sheegeen inay ku kalsoon yihiin inay maanta qiraan in Saomaaliya ayka soo kabaneeyso burburkii, dhaqaalahana dalkuna uu aad uga fiican yahay intii hore Inta la doono.

ARAGTIDA MUCAARADKA DOWLADDA:

Mucaaradku waxay sheegayaan inuu dalku aad u kharriban yahay, hay’adaha adduunka ee ku takhasusay deganaanshaha siyaasadeed iyo koncinta dhaqaalaha waxay sheegayaan inuu dalka Soomaaliya gaarayo meel aad u wanaagsan sanadkan 2019.

Anigoo aad wax uga bartay dhanka kobcinta dhaqaaalaha iyo suuq gaynta caalamiga ah, waxaan idiin xaqiijinayaa in dal kasta marka uu wanaagsan yahay uuna ku socdo jid sax ah aalaaba lagu garto heerka kobaca dhaqaalaha dalkaasi.

Marka aan akhriyay oo dhuuxay arrimahaasi, waxaa ii soo baxday inay mucaaradku ka been sheegayaan dalka iyo maamulkaba, waxay ku doodayaan oo ay leeyihiin dalku khatar buu ku jiraa, haddii uu dalku dhib ku jiro maxaa u sabab ah kobaca dhaqaalaha? Maxaad uga jawaabaysaan arintaan?

Hambalyo dowladda Soomaaliya, waxaa wanaagsan waxa runta ah ee Ilaah kugu ogyahay inaad u sheegto sida saxa ah, ugu yaraanna aad wixii la hagaajiyo dhiirrigeliso.

Arintani waa mid aad loogu farxo oo dalka iyo dadkiisaba dan u ah, taas awgeed dadka Soomaaliyeed waxaan uga digayaa inaan la jahwareeriyo oo ay taxaddar muujiyaan. Tani maanta waxay soo af jaraysaa beenta mucaaradka.

Wa billaahi tawfiiq

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media