(Lari) 29 Abriil 2019 – Ismaamulka Meru County oo ah dhul barwaaqo ah oo cagaaran wuxuu dhacaa bartamaha Kenya wuxuuna caan ku yahay waxyaabo ay ka mid yihiin Qaadka nooca Miiraa-ga ee ay Soomaalidu aadka u cunto.
Dadka ku dhaqan gobolkaasi ee asaliga ihi jaadka ma cunaan, balse waxay daaqsadaan xoolaha wixii kasoo hara inta ay Somalia iyo dhulalka Soomaalida u dhoofiyaan oo ay lacag adag ka helaan.
Haddaba, wiilal Soomaaliyeed ayaa booqday magaalada yar ee Lari oo ah magaalada caanka ku ah qaadka ay Soomaalidu Laariga u taqaanno.
Waxay soo duubeen orgi yar oo daaqaya qaadka ay Soomaalidu aadka u jeceshahay, welibana la rumaysan yahay inuu yahay shidaalka lagu daaro dagaallada sokeeye ee Somalia.
Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media