(Muqdisho) 29 Abriil 2019 – Waxaa saacadihii ugu dambeeyay soo baxayey warar sheegaya inuu xilka ka tegayo RW Xasan Cali Khayrre oo uu haatan xilkiisu kusii dhow yahay 2 sano iyo bil.
Warkan ayaa waxaa asal ahaan faafisay idaacadda maxalliga ah ee Radio Kulmiye, kaddibna waxaa baraha bulshada ku wadaagey boqollaal dad ah.
Yeelkeede, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada, Cabdinuur Axmed, ayaa warkaasi waxba kama jiraan kasoo qaaday, isagoo sheegay in Radio Kumliye laga rabo in sida uu yiri ay shacabka ka raalli geliso warkaasi.
“Warkani sal iyo raad malaha, waxaana looga fadhiyaa Radio Kulmiye in ay shacabka ka raalli geliyaan been abuurkan baalka marsan dhaqanka suubban iyo hufnaanta xogaha bulshada lala wadaagayo.” Ayuu u dhignaa war uu Agaasimuhu soo dhigay baraha bulshada.
Hadalsame Media