Kulan dhexmaray Madaxwayne Farmaajo & Sheekh Shariif

0

(Muqdisho) 28 Abriil 2019 – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxwaynihii hore ee Dowladii KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee Muqdisho.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xaalada guud ee dalka iyo  sida ay tahay in Dowladda hada jirta ay u wajahdo siyaasada dalka.

Sheekh Shariif oo ka mid ah siyaasiinta afka gaaban ee inta badan weerarka afka ku qaadan Dowladda Federaalka isla markaana wax xeeriya, ayaa shalay Muqdisho kusoo bandhigay xisbi siyaasadeed.

Madaxwaynihii hore ee Dowladii KMG ayaa sidoo kale magaalada Muqdisho waxa uu kulamo siyaasadeed uu kula qaatay madax uu ka mid yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo isagana ka mid ah Hoggaamiyaasha dalka soo maray.

Kulankan ayaa lagu soo qaaday sidii looga wada shaqayn lahaa maslaxada guud ee dalka iyo isu soo dhowaynta dadka.

Magaalada Muqdisho waxa ka socda kulamo siyaasadeed oo looga  hadlayo xaalada  guud ahaan dalka gaar.

Hadalsame Media