Rasaas toos ah oo la isku waydaarsadey magaalada Kalmunai, Sri Lanka + Sawirro

0

(Colombo) 27 Abriil 2019 – 15 qofood ayaa ku dhintay, kuwaasoo ay ku jiraan 6 carruur ihi kaddib markii ay ciidamada booliiska Sri Lanka ay weerar ku qaadeen meel lagu ‘farsameeyo boorsooyinka ismiidaaminta’ habeenkii xalay ahaa.

Booliiska ayaa sheegay in ay 3 nin is qarxiyeen jeer ay xabadi wayoodayso kaddib markii ay booliisku heleen meel ay qaraxyada ku diyaariyaan kooxaha argagixisada ah ee Axaddii weeraray Colombo.

Rugta ay kooxdani qaraxyada ku diyaarinayeen kuna dhuumanayeen ayaa ku taalla magaalo ku taalla bariga dalkaasi oo la yiraahdo Kalmunai.

Bambooyinka ayaa diley 3 haween ah iyo 6 carruur ah iyo sidoo kale 3-da nin ee qaraxa sameeyay.

Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka Sainthamaruthu, oo 200 mayl u jirta caasimadda Colombo halkaasoo ay ku dhinteen 253 qof kaddib weerarradii lagu qaaday hoteellada iyo kanaa’ista oo lagu xusayey Easter Sunday.

Hadalsame Media