”Naagtayda ka leexo!” – Maxaa kala qabsaday nin bixinayay kharashka gabdhihiisa iyo…

0

(Kirinyaga) 27 Abriil 2019 – Kamotho Waiganjo ayaa boggiisa Facebook dadwaynaha kula wadaagey sida lacag uu mobile-ka uga diray haweenayda timaha u hagaajisa gabdhihiisu ay u horseedi gaartey inay ninkeeda kala tagaan.

Kamotho Waiganjo, oo ah ninka ay u dhaxdo barasaabka Kirinyaga ee Anne Waiguru, ayaa sheegay inuu badiyaa telefoonka ku bixiyo (via mobile money) biilka gabdhihiisa timaha loogu hagaajiyo.

Yeelkeede, waxaa kharashaadkii telefoonka lagu dirayay indhaha ka qaaday kaddibna qoonsaday oo qaylo af labadii yeerey odaygii qabey haweenayda tima hagaajiyaha ahayd (saloonist).

Kamotho Waiganjo ayaa deeto arrintii la tegey boggiisa Facebook isagoo ka sheekeeyay sida ay wax u dheceen iyo in bixinta lacagta timaha loogu hagaajiyo labadiisa gabdhood ay guurkeeda burburin gaartey.

Ninka ayaa markii uu ogaadey in waxa dhami yihiin lacag loogu soo diro M-Pesa ayaa isku ”yaxyaxay” oo raalli gelin bixiyey, kaddib markii uu ogaadey inaysan waxba jirin.

Hadalsame Media