DEG DEG: Joe Biden oo ku dhawaaqay inuu musharrax yahay doorashada Maraykanka ee 2020 + Sawirro & Muuqaal

0

(Philadelphia, PA) 25 Abriil 2019 – Kaddib bilo dabbaal deg ah, MW Xigeenkii hore ee Maraykanka Joe Biden ayaa iminka ku dhawaaqay inuu Madaxtinnimada u ordayo markii 3-aad, marka la gaaro 2020.

Ku dhawaaqista ayaa lagu soo aaddiyey muuqaal olole oo lasii daayay isla saaka.

“Nuxurka dhaqankeenna … Booskeenna caalamka… dimoqraadiyadeenna … Wax kasta oo Ameerika ka dhigay Ameerika ayaa halis ku jira. Taasina waa sababta aan ugu dhawaaqayo inaan ahay musharrax u taagan madaxtinnimada Maraykanka,” ayuu Biden soo tweet gareeyay, isagoo ku lifaaqay muuqaalka ololaha.

Maanta oo Khamiis ah gelinka dambe wuxuu ka qayb geli doonaa munaasabad lacag ururin ah oo ka dhacaysa caasimaddii hore ee Maraykanka ee Philadelphia.

Isniinta soo aaddan, wuxuu qaban doonaa dhacdadii ugu horreeysey oo ka dhacaysa Pittsburgh oo ka tirsan isla gobolka Pennsylvania.

Deeto wuxuu Biden oo 76 jir ihi booqan doonaa gobollada loo yaqaanno kuwa leexada oo marba dhan u codeeya sida Iowa, New Hampshire, iyo South Carolina maalmaha iyo todobaadyada xiga.

Biden oo ka mid ah ilaa 20 musharrax oo Dimoqraadi ah oo uu horseed u yahay, ayaa loo arkaa ninka ku qabsan kara Trump, isagoo codayn hordhac ah oo iminka la sameeyay Trump ku hoggaaminaya 42%, halka uu Trump leeyahay 34%.

Hadalsame Media