Danjirayaasha Somalia & Kenya oo ku kala noqday Muqdisho & Nairobi

0

(Nairobi) 25 Abriil 2019 – Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya ayaa dib u biloway howshii uu ka hayay safaarada Kenya ee Soomaaliya ka dib markii uu soo hagagay xirirka labada dal.

Safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa dib ugu soo laabtay dalka halka Safiirka Soomaliya ee Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarzan uu gaaray Kenya si howshiisa halkaas uu ugu sii wado.

Talaabadan ayaa ka danbeysay ka dib markii wada hadal lagu dhameeyay khilaafkii ka dhax jiray dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Labada dal ayaa safaradahooda shaqadooda joojiyay markii Kenya cabasho ay ka keentay xaraash Kenya ay sheegta in Dowlada Soomaaliya ay ku samaysay shidaal ku jira dhulbadeedkeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in marnaba gorgortan ka gali doonin in Kenya ay ku soo xadgudubto taako ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Hadalsame Media