Ciilka & cadaalad darrada ay qoyskii Caa’isha Ilyaas Gaalkacyo uga carraabeen (Maxaadan ogayn oo dhacay)

0

(Gaalkacyo) 24 Abriil 2019 – Qoyska Marxuumad Caasho Ilyaas ayaa shalay u guurey dalka Itoobiya, qoyska ayaa banneeyay hooygii uu ka deganaa magaalada Gaalkacyo oo gaari nooca xamuulka qaada ah ay ku daabusheen alaabadii gurigooda iyo dhamaan dadkii ku noola hoygaas.

Caasho ilyaas aadan aya horanti bishii Febraayo 22dedi lagu kufsaday laguna dilay Magaalada Gaalkacyo kufsiga aya geystay 7 dhalinyaro ah oo mid kamida lagu magacaabo Cabdisalaam oo guriga uu ka degnaa xaafada siiney laga helay dharka caasho ilyaas aadan oo dhiigleh baaritaanka aya waday hay’ada ka shaqaysa amniga oo ka madax banaan maamulka Puntland hay’adaas oo lagu magacaabo PIS.

Shaqsiyaadka u geystay kufsiga iyo dilka caasho aya ah kuwo ay difaacayan Qoysaskoodi waxana wararku sheegayan in xabsi kuyaala magaalada Garowe uu mamulku u gudbiyay.

Qoyska caasho aya kalsoonidi kala noqday laamaha ambiga maamulka Puntland kedib markay la kulmeen musuq-maasuq iyo jahwareer dhanka sharciga ah iyo Niyadjab khiyaali ah iyo munaafaqnimo dheeratay.

RAG CADAALAD WAAYAA SIDO CAWSHA KALA YAAC

Waxaa nasoo gaarsiiyay: Samadoon Cumar

Hadalsame Media