(Muqdisho) 23 Abriil 2019 – Qaar ka tirsan shacabka Muqdisho ayaa waxaa la waydiiyay aragtidooda ku aaddan shirkii shalay ku qabsoomay magaalada Nairobi oo ay mucaaradku ku sheegeen mid talo soo jeedin ah oo dowladda ”lagu saxayo!’, waloow ay dadka qaar ku tilmaameen mid nuxurkiisu ahaa fursad raadin iyo boos riixasho ah.
Shacabka uu waraystay hilinka Somali Cable ayaa isku raacay inaysan la dhacsanayn shirkaasi oo ay ku tilmaameen mid lagu hagardaamaynayo Somalia.
”Somalia waa inay iska jirtaa dhagarta shisheeye iyo cidda ay xilka u dhiibanayso.” ayuu ahaa nuxurka codka dadka la waraystay.
Mucaaradka shalay ku shiray Nairobi ayaa DF Somalia marar badan ku eedeeyay in sida ay yiraahdeen aysan ogolayn wada tashi iyo in ay dalka ku shiraan, waloow ay jirto in madaxda maamuulladu ay dhowr mar ku shireen gudaha Somalia.
Muuqaalka: Somali Cable
Hadalsame Media