DAAWO: Hay’adaha dembi baarista oo daba socda sababta keentay in la xado ilmo hadda dhashay!

0

(Muqdisho) 22 Abriil 2019 – Saraakiisha Dowladda  Federaalka ayaa sheegay in baaritaan ay ku hayso sababaha keenay in cunug yar  oo saacado dhalanaa laga xado isbitaalka SOS ee Magaalada Muqdisho

Ciidanka  Booliska ayaa sheegay in  meel u dhaw  Isbitaalka  Digfeer ee Muqdisho laga soo qabtay gabar ka mid ah kuwii SOS Ka qatay cunuga yar.

Afhayeen u  hadlay ciidanka Booliska ayaa sheegay in  gacanta ay ku hayaan gabadha xaday cunuga yar isla markaana cadaalada ay wajahi doonto sida uu yiri.

Maalmo  hor  Isbitaalka SOS degmada Huriwaa waxa laga qaatay cunugeeda haweenay halkaas ku dhashay.

Dhacdooyinka noocaan ah ayaa ugub ka ah magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Hadalsame Media