Qarxyo silsilad ah oo ka dhacay caasimadda Sri Lanka

0

(Colombo) 21 Abriil 2019 – Laba kaniisadood iyo laba hoteel oo ku yaalla dalka Sri Lanka ayaa qaraxyo lala eegtay jeer lagu jiro Ciidda Easter-ka ee Masiixiga, halkaasoo ay ku dhaawacmeen dad fara badan.

Hoteellada iyo mid ka mid ah kanaa’ista la qarxiyey ayaa ku yaalla caasimadda Colombo. Midda kale waxay ku taallaa magaalada Negombo, woqooyiga Colombo.

Ilo booliiska ku dhow ayaa tibaaxaya in qaraxyada midkood lala eegtay kaniisadda St Anthony’s Church ee Kochcikade, Colombo.

“Haatan waxaan ku mashquulsan nahay daad guraynta dhaawacyada,” ayuu yiri booliisku.

Ilo kale ayaa sheegaya in sidoo kale qarax lala beegsaday laba hoteel oo dalxiis oo ku yaalla Colombo balse xog dheeraad ah laga bixin weli.

Hadalsame Media