Maraykanka oo sheegay inay dileen saraakiil sare oo Shabaab ka tirsan

0

(Jilib) 21 Abriil 2019 – Agaasime  ku xigeenka Howlgalka AFRICOM William West, ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen gobolka Jubada hoose ay ku dileen saraakiil ka tirsanaa Al Shabaab.

Waxa uu sheegay West in  laba sarkaal  ay ku dhinteen duqeyn ay la beegsadeen degmada Jilib oo ah saldhiga ugu wayn Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka.

Waxa uu intaas warkiisa  uu ku daray William West in ay ku  guulaysteen in Al Shabaab ay ka riixaan meelo badan oo ay ka haystaan gobolada qaar ee dalka.

Howlgalka AFRICOM waxa uu sheegay in kaalin ay ku lahayeen ciidanka dowladda federaalka beegsiga lagu qaraajiyay saraakiisha Al Shabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii Howlgalka AFRICOM uu sheegay in Deggaanada Maamulka Puntland ay ku dileen sarkaal muhiim u ahaa Kooxda Daacish.

Hadalsame Media