DAAWO: Mourinho oo ka hadlay sida loo qaban karo kooxda laga yaabban yahay ee AJAX + Sawirro

0

(Amesterdam) 19 Abriil 2019 – Kooxda Ajax ayaa sanadkan dunida kubadda cagta kaga yaabiyay natiijooyinka ay ka keenayaan Champions League tiiyoo ay jirto inay yihiin koox cagaaran oo cusub, balse Jose Mourinho ayaa keenay qish lagu qaban karo kooxdan Dutch-ka ah.

Mourinho ayaa ka sheekeeyay sidii uu Ajax uga guulaystey dhamaadkii EL oo uu 2-0 uga badiyay xilli uu wadey kooxda Man United, taasoo ay Spurs wax ka qaadan karto.

“Waxaan ula ciyaarnay qaab aysan doonayn,” ayuu yiri Mourinho.

“Way cowdeen [ciyaarta kaddib] kubadaha dhaadheer, waxay ka cowdeen jirka iyo xoogga [Marouane] Fellaini, about physicality, maxaa yeelay way xakamayn waayeen.

“Haddii aad Ajax ula ciyaarto sida ay rabto inaad ula ciyaarto, waxaad halis ugu jirtaa inay kaa fiicnaadaan.” ayuu raaciyay.

Mou ayaa sheegay in Barcelona ama Liverpool ay Ajax dhamaadka uga badin karaan haddii ay xooggooda ciyaaraan.

”Haddii aadan tayo farsamo lahayn waa inaad dhanka istaraatijiyadda aaddaa oo aad ula ciyaartaa si aanay jeclayn,” ayuu yiri waaya aragga reer Portuguese oo si kastaba amaanay Ajax oo uu ku tilmaamay “xiddigaha” tartanka, gaar ahaan daafaca dhexe ee de Ligt, oo weli 19-jir uun ah.

 

Hadalsame Media