(Muqdisho) 18 Abriil 2019 – Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay ciidamada rabshadaha ka hortaga gaystey qaybo ka mid ah isgooysyada Muqdisho.
Ciidamadan oo shalay uun lasoo bandhigay ayaa maanta lagu arkayaa isgooysyada waddooyin ay ka mid yihiin; Dabka, Banaadir, Afarta Jidiino, Sanca iyo isgooysyo kale oo Muqdisho ku yaalla.
Weriyeyaal ka tirsan Hadalsame Media oo soo indha indheeyay goobo badan oo Muqdisho ka tirsan ayaan ilaa iminka soo sheegin wax dibed bax ah iyo wax rabshad ah iyadoo ay xaaladdu caadi tahay.
Shalay ayaa waxaa baraha bulshada qabsaday dibed baxyo la sheegay inay Muqdisho ka dhacayaan, kuwaas oo ay wararku sheegayaan inaysan ahayn wax caadi ahaan u jira, balse ay dabada ka riixayaan dad qurbaha ku sugan iyo xitaa dalal ajnabi ah.
Dadka waxgaradka ah ayaa ka digey dibed baxyo dhaca oo ay sheegeen inuu keeni karo in amaanku khalkhalo oo ay dad kale ku dhex dhuuntaan iyagoo cayrsanaya ajendayaal siyaasadeed oo ka fog midka ay dadwaynuhu dibed baxa ka rabaan.
Hadalsame Media