DAAWO: ”Mooska waxaa leh Bakayoko!” – Xiriirka Talyaaniga oo ka aamusay CUNSURIYAD lala yaabay!

0

(Roma) 18 Abriil 2019 – Arrin cunsuri ah oo cabsi leh ayaa ka dhacday ciyaartii ay xalay ee Lazio-Udinese, iyadoo la arkay taageerayaasha kooxdaasi oo sinji ahaan u maagaya laacibka khadka dhexe ee AC Milan ee Tiemoue Bakayoko.

Milan News iyo dhowr wargays oo kale ayaa faafiyey muuqaal muujinaya taageerayaasha Lazio oo ku heesaya halku dhegyo midab takoor ah oo ka dhan ah Bakayoko ciyaartii ay 2-0 uga badiyeen Udinese.

“Mooskan waxaa leh Bakayoko,” ayay ku celcelinayeen iyagoo xadraynaya.

Wuxuu warkani daba socdaa falkii uu laacibka Faransiiska ihi uu qaab kaftan ah usoo bandhigay funaanadda Francesco Acerbi iyadoo uu la hayey Franck Kessie guushii ay Sabtigii 1-0 uga badiyeen kooxda Aquile.

Xiriirka Talyaaniga ee FIGC, oo kaftankii funaanadda afka furtay oo ay madaxdiisa qaarkood min 2 jeer hadleen ayaa haatan lala yaaban yahay inaysan arrintan, oo aad uga daran middaas, weli wax war ah kasoo saarin.

Waxaa horay u jirey cunsuriyad ka dhan Kalidou Koulibaly iyo Moise Kean oo aan iyadana waxba laga qaban.


Hadalsame Media