QAYLADHAAN: Shiinaha oo la sheegay inuu xeebaha Somalia soo dhigtay wershado SABBAYNAYA! (Gasacee oo gad)

0

(Nairobi) 17 Abriil 2019 – Waxaan qarsoodi ahayn sida guud ahaanba uu caalamku uga qaylinayo qaabka hujuumiga ah ee aan xeerarka caalamiga ah waafaqsanayn ee uu Shiinuhu u kalluumaysto.

Yeelkeede, Somalia oo ah dal aan warba ka haynin ama aan lahayn xajmi ay kula socoto baddeeda ayaa qandaraas dood dhaliyey la gashay maraakiib Shiinays ah oo ay DF Somalia rukhsad u siisay inay xeebaha dalka ka kalluumaystaan.

Haatan, siyaasiga Soomaaliyeed ee Faarax Macallin ayaa sheegay in biyaha Somalia uu Shiinuhu ka wado kalluumaysi uu ku xaabsanayo malaayiin tan oo kalluun ah.

Wuxuu Macallin sheegay inuu xitaa xeebaha soo dhigtay wershado sabbaynaya oo maraakiibta ku rakiban kuwaasoo isla barta laga dabo ku gasacadaynaya kalluunka si loo suuq geeyo, taasoo uu sheegay inuu uga digey DF Somalia.


Hadalsame Media